987 Views

Booliska oo sheegay in la helay Gabadhii Amaal Nuur ee maqneyd

Booliska oo sheegay in la helay Gabadhii Amaal Nuur ee maqneyd
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 21 -2020—Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inay heleen Amaal Nuur Cusmaan oo ka maqnayd hooyo Amran Xayle,taas oo maqnaanshaheeda siyaabo kala duwan looga hadleyey.

 

Hooyo Amran Xayle ayaa horey u sheegtay in Gabadheeda ay afduubteen Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana kiiskeeda ay wax ka qaban weysay Xarunta dambi baarista ee CID-dA.

 

 

 

Hayeeshee War lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in Amaal Nuur Cusmaan ay ka baxsatey Xarun lagu dhaqan celinaayey oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa shaaciyey in ay soo heleen Amaal Nuur Cusmaan ,isla markaana lagu wareejnayo Hooyadeed Amran Xayle.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment