831 Views

Wasiirka Gargaarka oo Shir ka furay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Gargaarka oo Shir ka furay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 30 2020—Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta furay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayo sidii hay’adaha aan dowliga ahayn Galmudug uga taageeri lahaayeen fulinta adeegyada Gargaar ee asaasiga ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka socota Dowlad goboleedka Galmudug iyo Wakiilo ka socda Hay’adaha aan dowliga aheyn ee ka howlgalla dalka.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya   Xamsa Saciid Xamsa ayaa ugu baaqay  Hay’adaha aan dowliga aheyn in ay ku badiyaan adeegga ay bixiyaan guud ahaan dhulka  degaannada Galmudug.

Masw’uuliyiinta ka socday Hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay xoojin doonaan sidii loo dardar gelin lahaa sidii degaannada Galmudug looga fulin lahaa adeegyada gargaarka Aas’aasiga ah.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post