1359 Views

Dhulalka lambarkoodu yahay 30 & 31 ee degmada Hodon kama mid ah Dhulka Dugsi sare Xamar ee lambarkiisu yahay 32!

Dhulalka lambarkoodu yahay 30 & 31 ee degmada Hodon kama mid ah Dhulka Dugsi sare Xamar ee lambarkiisu yahay 32!
____________________________________________________________________________

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 15-Dec-2020 ayaa soosaartay Amar fulin xooggan  oo loogu madax-banneynayo Milkiyadda iyo ku dhaqanka  dhulka Lambarkiisu yahay 30 oo katirsan Dhulka Rugtey ee Degmada Hodon ee gobolka Banaadir ganacsade Qaasim Faarax Warsame oo uu Wakiil ka ahaa Axmed Xalane Xersi, dacwadda, xukunka iyo Amarka fulintu waxa ay lid ku ahaayeen Bashiir Ciise Maxamuud oo laga xukumay Dhulka islamarkaana ah lagu fuliyaha xukunka, Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay fartay Taliyaha Qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir in uu u fuliyo xukunka Maxkamadda ganacsade Qaasim Faarax Warsame ! Maxkamaddu waxa ay amartay in cid walba oo kahor timaadda Amarka fulinta laga qaado tallaabo waafaqsan Xeerka iyo Qanauunka.

Asalka Milkiyadda dhulka Lambarkiisu yahay 30 oo katirsan Dhulka Rugtey ee Degmada Hodon ee gobolka Banaadir waxaa ay kusoo baxday Allaha u naxariistee C/Qaadir Xasan Mafruuto, (Taariikh) Eng Cabdulqaadir Aadan Cadde oo Wakiil ka ah C/Qaadir Xasan Mafruuto oo ay ilmo-habreed ahaayeen islamarkaana haysta Wakaaladda  Dhaxaltooyada C/Qaadir Xasan Mafruuto ayaa dhulka lambarkiisu yahay 30 ka iibiyey kuna Wareejiyey ganacsade Qaasim Faarax Warsame, kaddib markii uu Cabdiraxmaan Dhegey isku deyey in uu boobana waxa aan furnay gal-dacwo oo ku soo dhammaanay in maxkamaddu u xukuntay milkiyadda dhulka lambarkiisu 30  ganacsade Qaasim Faarax Warsame ,

Dhinaca kale dhulka xiga ee Loto: 31 oo katirsan Dhulka Rugtey ee Degmada Hodon ee gobolkan Banaadir Asalka Milkiyaddiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Genaral Maxamed Caynaanshe Guuleed, 1968 dhulkaas waxaa Genaral Maxamed Caynaanshe Guuleed ka iibsaday Danjire Xasan Aadan Wadaad-diid, October-2020 dhulka Lambarkiisu yahay 31 waxaa dadkii lahaa Dhaxalka Danjire Xasan Aadan Wadaad-diid ka iibsaday kalana Wareegay muwaadiniinta kala ah Cali Ciise Xiireey iyo Cabdi Xasan Ibraahim.

Milkiilayaasha Dhulalkani waxa ay Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed u caddeeyeen in  Aflagaadada iyo gefka ay sheegeen in uu u geystay Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud (Cabdiraxmaan Dhegey) una mariyey Warbaahinta  uu yahay Waxba kamajiraan

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in iyaga oo cuskaneyna Dukumintiyada iyo sooyaalka dhulalkaas ay xaqiijineynaa in labadaas dhul aanay ahayn weligoodna noqon Danguud, hayeeshee uu Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud (Cabdiraxmaan Dhegey)  isku deyey in uu kudarsado dhulka danta guud ee uu haysto iyaguna ay taas diideen si ay u caddeeyaanna ay u mareen Sharciga iyo Maxkamadaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post