1209 Views

Madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo shir gudoomiyay shirkii Golaha wasiirada .

Madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo shir gudoomiyay shirkii Golaha wasiirada .
____________________________________________________________________________

khamiis December 23, 2021

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland kaas oo maanta looga hadlayey ajandayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen arimaha Amaanka, Siyaasada, Maareeynta qashinka, iyo qodoba kale, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Waxaa ugu horeeyntii kulanka golaha wasiiradda ka hadlay Wasiirka Amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, isagoona ka warbixiyey xaalada Amniga ee guud ahaan deegaanada Jubaland iyo waxyaabihii ka cusbaa todobaadkii lasoo dhaafay waxa uu sheegay in Dowladdu wado dadaalo kala duwan oo lagu sugayo Amaanka, gaar ahaan sugidda doorashooyinka oo meel wanaagsan ay marayaan.

Inta uu socday shirka golaha wasiirada Jubaland waxaa guddiyo loo saaray labo arimood oo ay si weyn ooga doodeen golaha kuwaas oo kala ahaa, Joojinta xaalufinta kaluumeysiga sharci darrada ah iyo Kahor tagga bacaha iyo qashinka si dib loogu soo celiyo bilicda Deegaanka.

Arimaha abaaraha iyo biyo yarida ka jirta deegaanka ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Jubaland Axmed Xuseen Baraki isagoo sheegay in deegaanka ay wali ka jirto abaar daran waxa uu sheegay in Dowladda ay wado biyo dhaamin iyo gurmadyo kale duwan oo lagula tacaalayo xaaladaha ka dhashay abaaraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post