1875 Views

Ciidamo badan oo la geeyay degaan lagu dilay Askar farabadan Itoobiya

Ciidamo badan oo la geeyay degaan lagu dilay Askar farabadan Itoobiya
____________________________________________________________________________

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 10-kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay degmada Dan La Helay ee dowlad degaanka Soomaalida waddanka Itoobiya.

Soomaalida degmadaas ku nool ayaa waxa ay sheegeen in ciidamo iskaashanaya oo isugu jira Canfar iyo Tigray ay soo weerrareen, hasayeeshee dhanka kale ee eedda weerrarka loo tiirinayo weli wax war ah kaam soo bixin dhankooda.

Degmadaas Dan La Helay, iyo degmooyinka kale ee Garba Ciise iyo Cadayto, ayaa sanadihii dambe qalalaase ka taagnaayeen, iyada oo kumanaan ruux ay ka barakaceen.

Maanta ayaa degaanka lagu dagaalamay waxaa la geeyay Boqolaal askari oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan, waxaana dadka degaanka ay ku waramayaan in mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post