915 Views

Afar Xisbi Siyaasadeed oo Isbaheysi Muqdisho kaga dhawaaqay

Afar Xisbi Siyaasadeed oo Isbaheysi Muqdisho kaga dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 1, -2019 —Maalmihii la soo dhaafay waxaa kulamo siyaasadeed Magalada Muqdisho ku lahaa Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee kajira dalka oo ay kamid yihiin Xisbiyada ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana kulankii ugu dambeeyay ee Maanta looga dhawaaqay Isbaheysi ay ku midoobeen.

 

Xibsiyada Maanta Isbaheysiga ku midoobay ayaa waxaa ay kala yihiin Xisbiga Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD, Xisbiga Wadajir, Xisbiga Ilays iyo kuwa kale,waxana ay ku midoobeen Madasha Xisbiyada Qaran.

 

Xildhibaan Cabdi fitaax  Ismaaciil Daahir oo Warbaahinta u Akhriyey War ay soo saareen xisbiyada ayaa sheegay inay Maanta afhayen KMG ah u magaceeb Xildhibaan hore Cabdi Ladiif Muuse Nuur oo loo yaqaano (Sanyare).

 

Sidoo kale waxaa uu Xildhibaan Cabdi fitaax Sharaxayaa u jeedada loo sameeyay Isbaheysigaan ay ku midoobeen Afarta Xisbi Siyaasadeed oo ay kamid yihiin dad miisaan ku leh Siyaasada dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment