1146 Views

Midowga Yurub oo hakiyay wadahadalladii ganacsiga ee ay la lahaayeen Dalka Australia

Midowga Yurub oo hakiyay wadahadalladii ganacsiga ee ay la lahaayeen Dalka Australia
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

Midowga Yurub ayaa hakiyay muddo aan la cayimin wadahadallo qorsheysnaa oo ay la yeelan lahaayeen dalka Australia.

 arrintan ayaa imaneysaa kadib go’aankiii ay Australia kaga noqotay hishiis Faransiisku ugu sameyn lahaa maraakiibta gujisyada ah ee marta biyaha hoostooda.

Sidoo kale Miriam Garcia Ferrer oo ah afhayeenka Guddida Midowga Yurub u qaabilsan gannacsiga ayaa go’aankan shaacisey Jimcihii shalay, laakiin wax faahfaahin ah kama ay bixin sababta, waxaana midowga Yurub ay wadaxaajood Gannacsiga Xorta ah la billaabeen Australia sannadkii 2018kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post