123 Views

Baarlamaanka oo Meelmariyay Habraaca Wax ka badalka Dastuurka dalka

Baarlamaanka oo Meelmariyay Habraaca Wax ka badalka Dastuurka dalka
____________________________________________________________________________

MUQDISHO – Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow meel mariyey Habraaca Wax ka badalka Dastuurka dalka, kadib kulan wadajir ah oo ka dhacay Villa Hargeysa, xildhibaannada ayaa goor hore gaaray xarunta shirka.

Kulanka oo akhrita 3-aad lagu marsiiyay ayaa waxaa ogolaaday habraaca 180 Xildhibaan halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha shacabka, arrintaan ayaa sal u noqon doonta sidii wax looga badali lahaa dastuurka dalka oo muddo 12 sano ah xirnaa.

Dastuurka dalka ayaa muddooyinkii dambe waxa gacanta ku hayay guddiga madaxbannaan ee dib u- eegista dastuurka ee labada gole, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhowaan sheegay in ay 12 sano kadib la joogo maalintii la heli lahaa Dastuur dhameystiran 2024.

Labada gole ee Baarlamaanka 11-aad iyo guddoonkooda waxa ka dhaxeysa wadashaqeyn wanaagsan, taas oo gundhig u noqotay meel marinta sharciyo muhiim u ah dowladnimada dalka, xilli Soomaaliya laga cafiyay Deynta sidoo kale laga qaaday Cunaqabateynta Hubka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post