1293 Views

Xildhibaannada Soomaalida Kenya oo si kulul uga hadlay War kasoo yeeray

Xildhibaannada Soomaalida Kenya oo si kulul uga hadlay War kasoo yeeray
____________________________________________________________________________

isniin: November 22, 2021

Xildhibaanka degmada Kamakunji oo ay xaafadda islii ka mid tahay ee magaalada Nairobi, Yuusuf Xasan Cabdi, ayaa sheegay in dadka reer Islii ay ka carroodeen hadal uu warbaahinta dalkani Kenya dhawaan ka sheegay Sanatarka ismaamulka deegaanka Kiambu oo ahaa in xaafadda Islii ay khatar ku tahay amniga dalka isla markaana lagu iibiyo hub oo waliba ay dadku hub haystaan.

Isu soo bax looga soo horjeeda hadalka Sanatar Kimani Wamatangi ayaa shalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaana Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi uu BBC-da u sheegay in edayntaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin isaga oo ugu baaqay siyaasiga hadalku ka soo yeeray inuu raali galin ka bixiyo haddii ay taa dhici waydana wuxuu ku goodiyay inay sharciga la tiigsan doonaan.

“Waxaan isugu soo baxnay in aan muujino inaan nahay dad nabadda jecel ganacsata ah waddanka dhaqaalihiisa iyo siyaasadiisana qayb weyn ka ciyaaraya martina aanna halkaan ku ahayn”ayuu yiri Xildhibaanka deegaanka Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi.

Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in Sanatarka waraan ka sheegay warbaahinta ay ka dalbadeen inuu raali galin degdeg ah ka bixiyo hadalka ka soo yeeray ee la xiriira in dukaamada xaafadda islii lagu iibiyo hub.”Waxaan ka codsanay ninkaas Sanatarka ah inuu si degdeg ah raalin galin uga bixiyo edayntaasi beenta ah ee uu xaafadda Islii ka sheegay ayuu hadalkiisa raaciyay.

Senatorka ayaa hadalkan ka jeediyay mid ka mid ah talefishinnada ka so baxa Kenya, Ctizien TV oo uu uga qeybgalay barnaamij looga hadlayay ammaanka dalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post