1587 Views

Xildhibaan Fiqi”Guddiga ma danaha Galmudug mise danaha Kheyre ayay ka Shaqeynayaan?”

Xildhibaan Fiqi”Guddiga ma danaha Galmudug mise danaha Kheyre ayay ka Shaqeynayaan?”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Xukuumadda Soomaaliya ku dhaliilay habka loosoo magacaabay Xubnaah Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo uu xalay Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in Wasiirka Arrimaha gudaha uu mar walba soo saaro go’aano iyo waraaqo sidii ay Xukuumadda rabto loo soo qoro,isla markaana Xubnaha Guddiga ay yihiin kuwo intooda badan ka tirsanm Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Wasiir Sabriye waa nin is-hafraya, wasaaraddiisuna waxay noqotay mid waraaqaheeda sidii la rabo wax loogu soo qorto, Guddiga Dibuheshiisiinta Galmudug lagu sheegay marka laga reebo dhowr qofood, intooda badan waxey ka tirsan yihiin xafiiska RW Khayre oo mushaari ka ayuu yiri Xildhibaan Fiqi”

Sidoo kale waxaa uu shaki geliyay in guddigaas ay ka Shaqeeyaan nabadeynta Galmudug,waxana uu sheegay in yihiin kuwa ka Shaqeyn doona danaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

“Ma Galmudug danaheeda ayay ka shaqeynayaan mise danaha Khayre ka leeyahay GM? waxaan rajaynayaa in aysan horseed u noqon kala geynta dadka Galmudug ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaanka.

Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ka kooban 12 xubnood,waxana Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu sheegay inay xubnahaasi ka Shaqeyn doonaan isku keenida dadka Reer Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment