789 Views

Raisal Wasaare Rooble oo goor dhawayd Xildhibaan Cabdullaahi Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga

Raisal Wasaare Rooble oo goor dhawayd Xildhibaan Cabdullaahi  Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga
____________________________________________________________________________

 Arbaco: September 8, 2021

  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Maxmaed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale ‘shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay’ muddadii uu xilka hayay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha  Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer sodon jir sodon milyan heysta ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post