804 Views

Gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay tartanka quruxda haweenka Muslimiinta ah ee Mareykanka

Gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay tartanka quruxda haweenka Muslimiinta ah ee Mareykanka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 28 2020—Zehra Abukar oo dal ahaan ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku guuleysatey tartanka Miss Muslimah USA 2020.

Tartankan oo loo qabto sannadkiiba halmar dhammaan hablaha muslinka ah ee ku nool 50 gobol ee Maraykanka , ayaa lagu tartansiiyaa dhanka quruxda.

“Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa shuko madow. Waan jeclahay madowga, waa kalar dookheyga ah” ayay tiri Sahra

Sahro oo hadalkeeda sii wata ayaa tiri ka dib guusheeda “Balse marka ay cabaayad noqoto, waxaan jeclahay kalarrada muuqda.”

Gabadhan oo 23 sano jir ah ayaa ku nooleyd Turkiga muddo toddoba sano ah kahor inta aysan u wareegin Mareykanka, sanadkii 2014.

Tartankan oo sanadkii afaraad la qabanayo ayaa waxaa sanadkan ku tartamay 15 hablood oo da`doodu u dhaxeyso 15 ilaa 30.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post