966 Views

Booliiska Puntland oo Gaalkacyo ka fuliyay hawlgal ka dhan ah kooxaha ka ganacsada Khamriga

Booliiska Puntland  oo  Gaalkacyo ka fuliyay hawlgal  ka dhan ah kooxaha ka ganacsada Khamriga
____________________________________________________________________________

.

Sabti: July 10 2021

Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ka fuliyay hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga.

Hawlgalkan oo ahaa mid culus ayaa bilowday saq-barkii habeenimo ee xalay waxaana lagu beegsaday shabakado ka gacacsada Khamriga laga keeno gudaha waddanka Itoobiya, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska.

Saraakiisha ayaa mid guulaystay ku tilmaamay hawlgalkaas qorshaysan oo ka dhacay aga-gaarka Hoteelka ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay dib ka faahfaahin doonaan hawlgalkaas lagu beegsaday kooxaha caadaystay Khamriga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post