846 Views

Maamulka magaalada Guriceel ee Galmudug oo mar kale sheegay goor dhawayd in ay gacanta ku hayaan magaalada

Maamulka magaalada Guriceel ee Galmudug oo mar kale sheegay goor dhawayd in ay gacanta ku hayaan magaalada
____________________________________________________________________________

Axad: October 24, 2021

Maamulka magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa si adag kaga hadlay dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi ee u dhexeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah.

Maamulka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee weli ku sugan gudaha Guriceel in aysan ka soo bixin guryahooda inta uu socdo howl-galka ka dhanka ah Ahlu Sunna Waljamaaca

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro reer Guriceel ee ku sugan magaalada dhexdeeda magaalada waxaa ka socda howl-gal Emergency ah howl-galkaas oo ciidamada dowladda ay ku raad joogaan amaba ay ku baacsanayaan qolooyinka ay nabaddu dhibtay waxaan u sheegeynaa markaa dadka reer Guriceel inay guryahooda ku nagaadaan ayna soo bixin inta uu socdo howl-galka, si loo kala saaro nabad diidka iyo dadka shacabka ah ee jooga magaalada dhexdeeda ,” ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka magaalada Guriceel.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay si buuxda ula wareegeen magaalada, ayna gacanta ku dhigeen maxaabiis, sida uu hadalka u dhigay.

https://6e63f734bf8c534c14f07b7cafe50bab.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html “Ciidamada dowladda waxay gacanta ku hayaan dhamaan degmada Guriceel, waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan maxaabiis fara badan oo ah dadkii ka dagaalamayay qayba ka mid ah degmada Guriceel,” ayuu markale ku yiri khudbadiisa.

Ugu dambeyn wuxuu baaq kale u diray dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Ahlu Sunna, isaga oo ugu yeeray inay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan baaq labaad u diro qolooyinka weli ku harsan meelaha yarka ah fara ku tiriska xabadaha kasoo ridayo inay si nabad ah isku soo dhiibaan.” ayuu sii raaciyey.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u  kacsan, waxaana haatan dagaalka oo ah mid goos goos ah uu ka socda dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.

By Istar Cabdi Yuusuf 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post