828 Views

Wakiilka FEIT ee Koofur Galbeed oo kahor yimid hakinta kuraas lagu doortay Baydhabo.

Wakiilka FEIT ee Koofur Galbeed oo kahor yimid hakinta kuraas lagu doortay Baydhabo.
____________________________________________________________________________

isniin: December 6, 2021

Yuusuf Maxamed Khayr (Guurow ) oo xubin ka ah Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Federaalka ahna wakiilka FEIT ee Doorashada ka dhacday Baydhabo ayaa kahor yimid hakinta labo kursi oo lagu doortay xarunta Gobolka Bay.

Guurow ayaa sheegay in uusan joogin madasha lagu baabi’iyay sharci ahaanta labada kursi ee tirsigoodu yahay HOP# 154 oo ay ku guuleysatay Sareeda Maxamed Cabdalla & HOP#103 oo uu hakiyay Guddiga FEIT balse SEIT Koofur Galbeed ka dhega-fureystay.

“Dadka waala qaybshay oo qoloba meel ayaa loo diray, aniga waxa aan hoggaamiye u ahaa Guddiga FEIT ee Koofur Galbeed loo diray, waxa aan goobjoog Doorashada uga ahayn 19 xubnood oo kala ah 4-xubnood oo FEIT ah, 4 ka socotay Guddiga xalinta & 11 kale oo SIET Koofur Galbeed ah” waa sida uu yiri Yuusuf Guurow.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri: Go’aankaan waxa aan u aragnaa mid lagu qancinayo shaqsi, cilladda lagu diiday kursiga HOP#154 ee ah in Gabar da’ ahaan yar ay ka qaybgashay dadka muuqaal ahaan way yaraan karaan balse waxa ay ahayd in si hoose loo fiiriyo”.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federal (FEIT) ayaa sheegay in lagu laabanayo Doorashada Kuraasta HOP#103 & HOP#154 sabab la xiriirta in aan la buuxin shuruudaha sida lagu caddeeyay xaanshida Guddiga uu soosaaray.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay in dib loo saxo qalalaadka ka dhacay Doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad oo Doorashadu u noqoto mid ku qabsoonta si hufan oo caddaalad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post