264 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo caawa Isbitaalka Erdoğan ku booqday dhaawacyada qaraxii Maxaas

Madaxweynaha Hirshabeelle oo caawa Isbitaalka Erdoğan ku booqday dhaawacyada qaraxii Maxaas
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 5 2023

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusmaan iyo qaar kamid ah Wasiiradiisa ayaa caawa Cusbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho ku booqday dadkii ku waxyeeloobay qarixii ay Khawaarijtu ka fuliyeen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo u kuurgalayay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah ayaa mid mid u dultagay ciidankii geesiyaasha ahaa iyo Shacabkii ay waxyeeladu kasoo gaareen Weerarkii khawaarijta, isagoo warbixinno ku saabsan xaaladooda caafimaad ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Erdogan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xusay in dagaaladii lala galay cadowga lagu jabiyay, iyagoo laga xureeyay deegaanno, degmooyin ka tirsan Hirshabeelle haatanna lagu jiro waqtii lasoo afjari lahaa kooxda khawaaijta Al-Shabaab.

Mudane Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post