2856 Views

Wasaarada Amniga oo baaq u dirtay shacabka Muqdisho

Wasaarada Amniga oo baaq u dirtay shacabka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 02, 2017— Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay la shaqeeyaan laamaha Amniga dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Laamaha Amniga Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka codsanayaan in ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga xilliyadda ay howlgallada ku jiraan.

Axmed Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada Amniga laga doonaayo in aysan dhibaateyn Shacabka xilliyadda ay waddaan howlgallada.

Ciidamada Ammaanka ayaa habeenadii lasoo dhaafay Muqdisho ka waday howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment