1278 Views

Weerar Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaala London

Weerar Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaala London
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  29, 2019 –Booliiska magaalada ayaa baacsanaya nin la sheegay in uu mid kale ku tooriyayeeya masaajid ku yaala bartamaha magaalada London.

Ninka la tooriyeeyay, markii dambana u dhintay ayaa la sheegay in uu yahay 20 jir, waxana uu falka ka dhacay masaajidka Reben Park ee bartamaha London.

Nin lagu magacaabo Bahir Mowlana ayaa sheegay in uu arkayay booliiska oo xiray labo qof oo masaajidka ku sugnaa.

Balse booliiska ayaa sheegay in aysan jirin cid loo xiray falka dhacay, waxayna intaas ku dareen in weerarka dhacay uusan ahayn mid la xiriira arrimo argagixiso.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dul meereysanayay masaajidka, iyada oo dusha laga eegayay qofkii meesha ka baxsaday.

Weerarkan dhacay ayaa imanaya xilli dadka dhegahooda uu kasii guuxayo weerarkii 50 ka qof lagu laayay ee ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Masaajiddo ku yaala Ingiriiska, iyo Maraykanka ayaa loo sameeyay illaalo hubeysan, gaar ahaan maalmaha jimcaha si aysan u dhicin wixii ka dhacay Christchurch.

Xigasho BBC-Somali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment