765 Views

Dowladda Soomaaliya oo deeq gargaar ah u dirtay Sool iyo Sanaag

Dowladda Soomaaliya oo deeq gargaar ah u dirtay Sool iyo Sanaag
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 14 2020
—Munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xildhibaanno ka tirsan Baarlabaanka ay ku gudoomeen deeqdan oo isugu jirta Dawo iyo agabka hoyga loo isticmaalo oo ay Wasaaradda ugu tala galashay in la gaarsiiyo dadka u baahan.

Si hayaha Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Cabdirashiid Maxmuud Xasan oo ka hadlay munaasabadda deeq wareejinta ayaa tilmaamay in Wasaaradda ka go’antahay in wixi tabarteeda ah ay la gaarto kuwa u baahan gargaarka.

Deeqdan ayaa waxaa Wasaaradda ka gacan siiyay hey’adda qaxootiga ee UNHCR, waxaana wasaaraddu sheegtay inay kordhin doonto kaalmada la gaarsiinayo gobolladaasi, si looga jawaabo baahiyaha bini’aadanimo ee ka jira.

“Wasaaradda waxa ay xoogga saareysaa sidii loo adkeyn lahaa awoodda bulshooyinka ku nool deegaannada fog fog si ay itaal ugu yeeshaan in ay iyaga iscaawinkaraan, iyada oo ay sidaasi tahay hadana waxaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay bixineysaa adeegyada asaasiga ah si loo caawiyo dadka u baahan gargaarka,” ayuu yiri sii hayaha wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Xildhibaan Cabdirashiid Maxmuud Xasan

Dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada, sida fatahaadaha, abaaraha soo laalaabtay iyo kaabayaasha dhaqaalaha bulshada oo aan wali xoogaysan ayaa dad badan ku qasbaya wali inay ku tiirsanaadaan kaalmada bini’aadanimo ee hay’aduhu bixiyaan iyo kaalmada dawladda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post