816 Views

Dad horleh oo u dhintey Cudurka Coronavirus

Dad horleh oo u dhintey Cudurka Coronavirus
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco  , March 18, 2020 —Cudurka Coronavirus ee safka ku socda ayaa gaaray dhammaan 50-ka gobol uu dalka Mareykanku ka kooban yahay, iyada oo gobolka West Vergina kiiski ugu horreeyey ee cudurka talaadadi laga helay.

Marki shaaca laga qaadayey kiiska ugu horreeyeyna Barasaabka Wes Virginia Jim Justice wuxuu yiri: “waan ogeen iney tani imaneyso.”

 

Magaalada New York waxaa la saaray xayiraad la mid ah midda saaran San Francisco aagga Bey.

Dalka Mareykanka ilaa iyo iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa laga helay 6,000 oo kiis oo cudurka Coronavirus iyada oo ay dhimashaduna gaartay 105.

Dunida oo dhan kiisaska cudurka ee la helay waaxaa lagu qayaasaa 200,000 oo kiis iyo 8,000 oo dhimasho ah.

Duqa magaalada Bill de Blasio ayaa sheeegay in la go’aamiyey muddo laba maamood ah shacabka magaalada ku nool ee lagu qayaso 8.7 milyan iney guriyahooda ka soo bixin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment