975 Views

Sacuudiga oo taageero u balan qaaday Soomaaliya

Sacuudiga oo taageero u balan qaaday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 03, -2019 —Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee magaalada Paris ee dalka France kullan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta & Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre).

 

Kullanka ayaa intii uu socday waxa ay labada masuul uga wada hadleen  sidii Sacuudigu uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya.

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kullan kaani uu ahaa mid muhiim ah islamarkan kullan kan lamid ah uu ka dhici doono Soomaaliya.

 

“Waxaan xaruunta UNESCO ee magaalada Paris (France) kullan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta & Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre), Waxaan ka wada hadalnay sidii sanduuqan uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya”. sidaas waxaa yiri Wasiir Goodax Barre.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment