540 Views

Rasaas caawa laga maqlay madaxtooyada Guinea Bissau

Rasaas caawa laga maqlay madaxtooyada Guinea Bissau
____________________________________________________________________________


Talaado: February 1, 2022

 Wararka ka imanaya caasimadda dalka Guinea Bissau ee Bissau ayaa sheegaya in rasaas xooggan laga maqlay agagaarka madaxtooyada dalkaas xilli ay shir ku jireen madaxweynaha dalkaas Cumaro Embalo iyo Ra’isulwasaarihiisa Nuno Gomes Nabiam.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in hal askari uu ku dhintay rasaasta iyada oo ciidamo ay hareereen ku sameeyeen dhismaha.

Hase yeeshee waxaa la sheegay in rasaasta ay qaboowday , iyada oo la arkayay dad ka cararaya aagga madaxtooyada.

Gaadiid militari ayaa dariiqyada lagu arkayaa, lamana oga sida ay wax u socdaan xilli dalal dhawr ah oo Afrikaan ah uu afgembi ka dhacay

Xigasho:-BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post