2151 Views

Madaxweynaha Dalka Oo Hakiyey Dhismaha Derbiga Beled Xaawo

Madaxweynaha Dalka Oo Hakiyey Dhismaha Derbiga Beled Xaawo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 26, 2018—Maamulka gobolka Gedo ayaa xaqiijiyey in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay isku afgarteen shir heer sare ah oo ku saabsan xal u helista muranka ka dhashay darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya Labada dal ay isugu yimaadaan,lana qaban doono maalinimada barri ee talaadada ah, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu arrinkan guddi u xil saaray.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu joojiyay darbigii dowladda Kenya ay ka waday Xadka.

“Waxaan xaqiijineynaa in shirka la isugu imaan doono 27ka bisha, ka horna la joojiyey dhismihii darbiga. Waxaan rajeynaynaa in xal waara aan ka gaarno arrinkan saameynta badan ku yeeshay nolasha bulshada magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandera.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Xaaladda magaalada Balad Xaawo ayaa maanta degan sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ku ah gudaha magaalada oo maalmihii u danbeysay ay ka socdeen kacdoon shacab oo lagaga soo horjeeday darbiga dowladda Kenya ka dhisayso xadka labada dal.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment