207 Views

Hay’adda dembi baadhista gudaha ee Maraykanka ee FBI oo waraaqo cusub oo sir ah ka heshay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Mike Pence

Hay’adda dembi baadhista gudaha ee Maraykanka ee FBI oo waraaqo cusub oo sir ah ka heshay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Mike Pence
____________________________________________________________________________

Sabti: February 11, 2023\

 Hay’adda dembi baadhista gudaha ee Maraykanka ee FBI ayaa waraaqo cusub oo sir ah ka heshay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Mike Pence ee ku yaalla gobolka Indiana, intii lagu gudajiray baadhitaan ay saraakiisha hay’addu ku sameeyeen maalintii Jimcaha.

Baadhitaankan ayaa yimi, ka dib markii qareenada Mike Pence ay guriga madaxweyne ku xigeenka ka heleen bishii hore waraaqo xasaasi ah oo ay dawladdu leedahay.

Lataliyaha madaxweyne ku xigeenkii hore, Devin O’Malley ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku inay dhamaystirtay baadhitaan dhamaystiran oo aan xadidnayn oo qaatay shan saacadood oo lagu sameeyey guriga Pence, waxayna guriga ka heleen “hal document oo sira, iyo illaa lix bog oo kale oo aan wadanin tixraac sheegaya sir ahaansho, kuwaas oo aanay hore u aqoonsan la taliyaha sharciga ee madaxweyne ku xigeenka hore.

Baadhitaankan oo ahaa, mid ay ka wada hadleen wakiillo ka socda Pence iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanku, ayaa ku soo beegmaya iyada oo loogu yeedhay baadhitaan gaar ah oo lagu samaynayo, tallaabooyinkii uu qaaday madaxweynihii hore ee Donald Trump ee uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, iyada oo Mike Pence uu xilligan ka fikirayo inuu u tartamo madaxtinimada dalka Maraykanka, sannadka 2024.

Mike Pence ayaa noqonaya masuulkii saddexaad ee dhismayaashiisa laga helo waraaqo sir ah, ka dib baadhitaan ay samaysay hay’adda FBI, hore waxaa loo baadhay guryaha ay degan yihiin, madaxweynihii hore Donald Trump iyo madaxweynaha haatan xilka haya Joe Biden, oo guryahooda laga helay waraaqo sir ah.

Warbixintan waxaa qortay AP

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post