1344 Views

Madaxweynihii Dalka Suudaan Oo La Xabisay Iyo Xaalad Deg Deg Ah Oo Looga Dhawaaqay Dalkaas

Madaxweynihii Dalka Suudaan Oo La Xabisay Iyo Xaalad Deg Deg Ah Oo Looga Dhawaaqay Dalkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 11, 2019 – Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ayaa la sheegay in xilka laga qaaday,isla markaana ay Gole Milliteri oo KMG la wareegeen Talada dalkaasi.

Madaxweyne-ku-xigeenkii Albashiir, ahna Wasiirka Difaaca, Axmed Cawad Bin Coof ayaa ka hadlay Telefishinka Qaranka, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Albashiir la xiray, laguna hayo meel ammaan ah.

Waxa uu shegay in la dhisay Gole Milliteri oo KMG ah oo talada dalka sii hayn doona muddo 2-sanno ah, inta laga qabanayo Doorasho Madaxweyne.

eneral Axmed Cawad Bin Coof waxa kale oo uu ku dhawaaqay 3 bilood oo Xukun Degdeg ah iyo in Hawada Suudaan xirnaan doonto muddo 24-saacadood.

 

Milliteriga ayaa si buuxda gaacanta ugu haya Talada iyo Ammaanka dalkaasi, waxayna dadweynuhu dibadbaxyo dabaaldeg ah ka dhigayaan caasimadda dalkaasi iyo magaallooyinka kale, iyagoo sheegay inuu Xukunkii Madaxweyne Albashiir soo gebageboobay.

 

Tobanaan kun oo Dibadbaxayaal ayaa saakayto socod ku marayey bartamaha Khartuum, iyagoo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Madaxweyne Albashiir oo talada dalkaasi hayey tan iyo bishii June 30-dii ee sannadkii 1989-kii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment