252 Views

Turkiga oo Xerxeray qandaraaslayaashii dhisat dhismayaashii ku bur buray dhulgariirkii

Turkiga oo Xerxeray qandaraaslayaashii dhisat  dhismayaashii ku bur buray dhulgariirkii
____________________________________________________________________________

Axad: February 12, 2023 

Dowladda Turkiga ayaa Xabsiga dhigtay 33 qandaraasleyaal dhismo ah sababo la xiriira cillado dhanka dhismaha ah iyo khaladaad dhismaha la xariiro oo lagu arkay Magaalada ugu weyn koonfur bari Turkiga ee Diyarbakir, taasi oo uu aad u sameeyay Dhul-gariirkii halkaasi ka dhacay dhawaan.

Wakaalada wararka Anatolia, ayaa sheegtay in xafiiska xeer ilaalinta ee Diyarbakir uu bilaabay baaritaan ku aadan sidii loo ogaan lahaa cilladaha iyo khaladaadka la xiriira dhismooyinkii ku burburay dhulgariirkii Isniintii la soo dhaafay ku dhuftay magaaladan.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in weli ay socdaan baaritaanno lagu hayo qandaraaslayaasha la xerxeray ee qaabilsanaa dhismaha magaalada Diyarbakir.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post