3576 Views

Soomaaliya oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Kenya oo ku aadanay muranka badda

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2018 –  Wasiirka arimaha dibada Xukumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasaarada arimaha dibada Kenya, kaas oo tilmaamayay in uu bilowday wadahadal u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kuna aadan muranka Badda ee u dhaxeeya labada dowladood.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, inagoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Mudane Cawad.

Hadalka Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa yimid kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo todobaadkan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment