1551 Views

Sawirro:-Dowladaha Soomaaliya Iyo Masar Oo Heshiisyo Cusub Kala Saxiixday

Sawirro:-Dowladaha Soomaaliya Iyo Masar Oo Heshiisyo Cusub Kala Saxiixday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 03, 2019 –Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Masar, Sarreeye Gaas Maxamuud Towfiiq waxay Kulan muhiim ah ku yeesheen caasimadda dalka Masar ee Qaahira, oo ay kaga wada hadleen Xiriirka labada dal, Iskaashiga dhanka Ammaanka, Wardoonka iyo sidii Booliska Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka tababarka iyo farsamada.

Wargeyska Akhbaar Alyoom ee ka soo baxa Qaahira ayaa qoray in Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar sheegay inay laba jibaari doonaan dadaalka Iskashiga ee Masar iyo Somalia  iyo xoojinta Jadwalka shaqo ee Hay’addaha Ammaanka ee labada Waddan, si looga hortago khataraha dhanka Ammaanka iyo Deganaanshaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Masar, Sarreeye Gaas Maxamuud Towfiiq waxa uu tilmamaay inay muhiim tahay in la sii wado Iskaashiga labada dal iyo Nidaamka Wardoonka, si loo naafeeyo Dembiyadda wax loogu dhimayo Deganaanshaha iyo Ammaanka.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ku amaanay Dowladda Masar kaalinta hoggaamineed ee Qaaradda Afrika, isla markaana ay Hay’addaha Ammaanka Somalia doonayaan inay ka faa’ideystaan Khibradda Hay’addaha Ammaanka Masar iyo inay tababaraan Ciiddanka Booliska Soomaaliyeed.

Warbaahinta dalka Masar waxay kaloo sheegeen inay Labada Wasiir dhamaadka kulankooda ku wada saxiixeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku aadan Iskaashiga Amniga, Is-dhaafsiga Khibradaha iyo Wardoonka ee Hay’addaha Ammaanka ee labada Waddan.

Kulanka Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” la yeeshay Wasiirka Arrimaja Gudaha Masar, Jeneral Maxamuud Towfiiq waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Somalia u jooga Masar, Ambasaador C/qani Maxamed Wacays iyo Wafuud ka kala socotay Labada Waddan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment