633 Views

Guddiga doorashada Madaxweynaha oo maanta yeelanaya kulankii ugu dambeeyay

Guddiga doorashada Madaxweynaha oo maanta yeelanaya kulankii ugu dambeeyay
____________________________________________________________________________

Guddiga doorashooyinka Xildhibaanada labada aqal ee qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda ay yeeshaan kulan lagu go’aaminaayo doorashada maalinta berri dhici doonta.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi waxaa goobjoog ka noqon doona Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare.

Waxaa lagu waddaa in ay si weyn uga doodaan haddii ay qabsoomi karto doorashada berri iyo haddii kale, waxaana shalay  xubno guddiga ka mid ah ay sheegeen in ay u diyaarsan yihiin dhammaan agabkii doorashada.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya  ku dhawaad 39 Musharax ilaa hadda hal qof ayaa shaaciyay in uu ka haray doorashada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post