1104 Views

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan
____________________________________________________________________________

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen.
Maxkamadda dsrajad 1aad ayaa xukuntay in la vubo khamrigaas, waxaana fagaaraha lagu gubay ku sugnaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ku simaha Gudoomiyaha Maxkamada iyo xeer ilaalinta.
Ciidamada amaanka Howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Iyo Baraha Kantaroolada ayaa khamrigan gacanta ku dhigay xili loo wadey magaalada kadib markii lagu soo qariyey Karmooman si aysan ciidamada u moodin khamri balse ay ku guleesteen Booliska inay qabtaan.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa boggaadiyay shaqada ay qabteen ciidanka boliiska magaalada Magaalada Bosaaso waxana uu digniin u diray dadka Kahmriga geliya degaannada Gobolka Bari.
Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa dhowr jeer waxaa ay meel fagaaro ah ku gubeen khamri carabadan, iyada oo Maxkamadda dajajada 1aad ay xukuno kala duwan ku riday dad lagu soo qabtay Kharigs.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post