1074 Views

Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay
____________________________________________________________________________

Ururka 4aad Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan kafuliyey degaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa aheegay in howlgalka lagu dilay 5 Sarkaal & Xub o ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa degaanka howlgalka laga fuliyay.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB  Gashaanle Dhexe Axmed Cabdilaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga, isla markaana uu sii aocon doono.

Wuxuu inta sii raaciyey in hawlgalka uu u dhacay sidii loogu tagalay isla markaana uu qayb ka yahay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee mararka qaar weerarada ka fuliya degaannada Shabeellaha Dhexe.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post