870 Views

Pentagon -ka oo dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin u fidisay qoyskii 10 qof oo rayid ah

Pentagon -ka oo  dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin u fidisay qoyskii 10 qof oo rayid ah
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon -ka ayaa dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin u fidisay qoyskii 10 qof oo rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku bishii la Agoosto ee la soo dhaafay uu ka geystay Magaalada Kaabul ee dalka Afgaanist.

Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay inay samaysay ballanqaad ay ka mid yihiin bixinta lacag iyo in Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay kala shaqeynayaan sidii loo taageeri lahaa  xubnaha qoyska ee danaynayay inay u guuraan Mareykanka.

Xafiiska Pentagoonka ayaa sheegay in dadkii ku dhintay duweyntii Kaabul ee 29-Agoosto ay ahaayeen dhibbanayaal aan waxba galabsan oo aan eed lahayn ,isla markaana  aan xiriir la lahayn Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasa.

Pentagon-ka ayaa horay u sheegay in weerarkii 29-kii bishii August lala beegsaday kooxo mitidiin ah oo halis weyn ku ahaa ciidammada uu hoggaaminayo Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha,xilli ay socdeen dhamaystirka marxaladihii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka Afghanistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post