1797 Views

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 24, 2021–Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta barqadii waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa degmada Afgooye iho degaanka Mareereey ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa goobjoogayaal sheegeen in lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhinaca degaanka Mareereey kuna soo wajahnaa degmada Afgooye.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sidoo kale Ciidamada qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda ee qaraxa lala beegsaday ay howlgallo miino baaris ah ka sameeyeen wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo degaanka Mareereey, halkaas oo dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen.

Maamulka iyo laamaha amniga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hooae weli kama hadlin qaraxa lala eegtay Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post