675 Views

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield oo is-casilaya

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield oo is-casilaya
____________________________________________________________________________


Arbaco: April 13, 2022


Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagaya kahor bisha June, sida ay Talaadadii sheegeen ilo-wareedyo arrintan la socday, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah Payton Knopf ayaa xilka si kumeel gaar ah ula wareegi doona, sida ay tilmaameen ilo-wareedyadu, iyagoo intaas ku daray in bixitaanka Satterfield aysan ahayn mid degdeg ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wax yar kahor ku dhawaaqday in Satterfield iyo Knopf lagu wado inay yimaadaan Itoobiya Arbacadan, si ay kulamo ula yeeshaan saraakiisha dowladda Itoobiya, wakiillada ururada samafalka, iyo saaxiibada diblomaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan wax faallo ah ka bixin markii wax laga waydiiyay tegitaanka Satterfield.

Warka ku saabsan bixitaanka Satterfield ee la filayo, oo ay markii ugu horreysay soo warisay majaladda Foreign Policy, ayaa kusoo beegantay xilli ay dhibaatooyin badan ka dhaceen gobolka.


Colaad in ka badan hal sano ka socotay dalka Itoobiya ayaa dhalisay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ka dhan ah labada dhinac, halka Suudaan ay ka jirto qalalaase dhaqaale iyo mid siyaasadeed, kadib afgambigii bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.

Isbeddelka joogtada ah ee Ergayga Mareykanka ee Geeska Africa ayaa sidoo kale keenaya su’aalo ku saabsan ka go’naanta maamulka Biden ee arrimaha gobolka, gaar ahaan marka ay la tacaaleyso qalalaasaha siyaasadeed ee meelo kale ee dibadda ah, oo ay ugu horreeyaan duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Satterfield, ah diblomaasi muddo tobannaan sano ah kusoo jiray shaqada diblomaasiyadda ayaa beddelay Jeffrey Feltman, oo ahaa diblamaasi kale oo Maraykan ah oo ruug-caddaa, kas oo shaqada ka tagay dhammaadkii sannadkii hore kadib qiyaastii sagaal bilood oo uu ahaa Egayga Mareykanka ee Geeska Africa.

Reuters.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post