897 Views

Dowlad Goboleedyada oo faah faahiyay kulankii ay la qaateen Madaxda Dowladda

Dowlad Goboleedyada oo faah faahiyay kulankii ay la qaateen Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 20 2020–Madaxweynayaaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland, koonfur Galbeed, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ay ka hadleen kulankii ay Magaalada Dhuusamareeb kula qaateen Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Kheyre.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu ka qeybgalay kulankii kowaad ee rasmi ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, iyaga oo ka wada tashanayay arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashadda 2020/2021.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb uu Madaxweynaha kaga qaybgalay kulan horudhac ah oo ay yeesheen Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulankan ayaa gogol xaar u ah shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga tashanayo wakhtiga kala guurka ah kaas oo dhawaan ka furmaya Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug.

Si lamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed & Galmudug ayaa waxaa ay shaaciyeen inay ka qeyb-galeen kulanka horudhaca u ahaa shirka u qabsoomaya Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post