1905 Views

Dowladda Qatar oo ku baaqday in la ilaaliyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

Dowladda Qatar oo ku baaqday in la ilaaliyo Madaxbanaanida Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 07, 2018 –Madaxa Waaxda iskaaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Taariq Cali Al-ansaari oo shalay ka qayb galay shirkii lagu qabtay Magaaladda London ayaa Qodbad uu shirkaas ka jeediyay wuxuu ku sheegay in Muhiimad weeyn ay Dunida, Gobolka iyo Soomaaliya u leedahay in la ilaaliyo midnimadda Soomaaliya

Taariq ayaa Xusay in Midnimadda, Madaxbaanidda dhuleed iyo Xoriyadda Soomaaliya ay tahay Lama taabtaan, Wuxuuna Qudbadiisa ku daray Muhiimada ay leedahay in Cid walba ay Xushmeeyso Qaraaradda adkeeynaya Madaxbaaniada ee Golaha guud ee QM, Golaha Amaanka, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa, wuxuuna Soo jeediyay in Soomaaliya lagu taageero Midnimadeeda.

Masuulkaan ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegay in Doowladiisu ay Taageero Hiil iyo Hooba leh la garab taagantahay Soomaaliya.

Doowladda Qatar waxaa ay ka mid tahay Dowladaha Saaxiibtinimadda Adag ee Xifaaltanka ku dhisan la leh Soomaaliya, Dowladdo Dhowr ah oo ku yaala Khaliijka ayna ka mid yihiin Imaaraadka iyo Sucuudiga ayey kula tartameeysa Soomaaliya.

Waxaana Xusid Mudan in Doowladda Soomaaliya ay dhex-dhexaadnimo ka Dooratay Markii Imaaraadka iyo Sucuudigu usoo jeediyeen in ay Xiriirka u jarto Qatar, Wixii Xilligaas ka Dambeeyayna waxa Xoogeeystay Xiriirka Dublamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar.

Xiriirka Xoogiisu ka biloowday Dekeddda Berbera ee u dhexeeya Soomaaliland iyo Imaaraadka oo ay ka soo horjeesatay Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa ah Waji  dublamaasiyadeed oo dowladda Qatar ay u deegsan karto Dowladaha Go’adoomiyay ee Khaliijka horay-na Somaaliya ugu qal-qaaliyay in ay Xiriirka u jarto Qadar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

————————————————————————–

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment