876 Views

Madaxweyne ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Axmed Karaash oo ku wajahan Gaalkacyo

Madaxweyne ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Axmed Karaash oo ku wajahan Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu gaaro Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu daaran yahay, balse warar ayaa sheegaya inuu salka ku hayo baaritaanka weerarkii lagu qaaday Guri uu Magaalada Gaalkacyo ka deganaa NabaddoonYaasiin Cabdisamad oo uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Safarka Axmed Karaash ayaa kusoo aadaya, xili khilaaf xoogeystay uu kala dhaxeeyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kaas oo ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha JFS.

sidoo kale, khilaafka labada Mas’uul ayaa salka ku hayo Awoodda Maamul ee Dowlad goboleedka Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post