873 Views

.Wasiir Sabriye oo faah faahiyay qorshaha dhismaha Maamulka Galmudug

.Wasiir Sabriye oo faah faahiyay qorshaha dhismaha Maamulka Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18 2019 —Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen shirkii Dib-u heshiisiinta ee Beelaha daga Dowlad Goboleedka galmudug.

 

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirkii Dib-u-heshiisiinta ee magaaladda Dhuusamareeb uu ku soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si-wanaagsan ugu soo dhamaaday, Iyadda oo laga gaaray guulo waaweyn.

 

Wasiirka ayaa Ergada kasoo qeyb gashay shirkii ee matalayey Beelaha Galmudug daga ay ka ogneyd inay xal waara ka gaareen deegaanadooda siddii dadku nabad u gaari lahaayeen iyaga oo wadajira, Intii uu socday shirka ayaa lagu guuleystay in ladhameeyo arrimo yar oo Beelaha qaarkood soo kala gaartay.

 

Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayuu uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaateen arrinta Galmudug oo waqti badan ku bixiyeen.

 

Galmdug ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa isku diyaarineysaa Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxaasa kasii horeeya in lasoo xulo Baarlamaanka Dowlad Goboleedkaas oo mardhow ka biilan dooonta Dhuusamareeb.

 

Musharaxiin Badan oo u tagaan inay qabteen xilka Madaxweynaha ee Galmudug ayaana ku dhawaaqay Musharaxnimadooda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment