1275 Views

Ruushka oo ka digay in dembiileyaal ay ku dhex dhuuntaan qaxootiyada Afghaanistaan

Ruushka oo ka digay in dembiileyaal ay ku dhex dhuuntaan qaxootiyada Afghaanistaan
____________________________________________________________________________


isniin: August 23, 2021

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa cambaareyn dusha kaga tuuray waddamada reer galbeedka ee filaya in dalalka deriska la ah Ruushka ay hoy deg deg ah siiyaan qaxootiga ka imanaya Afghanistan.

Madaxweyne Putin ayaa kulan ay yeesheen xisbiga talada haya, ka sheegay in ay tahay wax laga xishoodo in dalalka bartamaha Aasiya laga codsado in ay soo qaataan dad aan fiisaha dal ku galka ah heysan, halka reer galbeedku aysan arinkaa sameyneyn.

Wuxuu sidoo kale ka digay xagjiriinta soo galaya Ruushka iyagoo huwan magaca qaxooti. Wuxuu sheegay in Ruushku uusan u baahnayn dembiileyaal ka socda Afgaanistaan ama Suuriya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post