780 Views

Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug oo ugu baaqay in uu is Casilo Madaxweyne Qoor qoor.

Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah  ee Galmudug oo ugu baaqay in uu is Casilo Madaxweyne Qoor qoor.
____________________________________________________________________________

Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah   ee Galmudug  Abdikafi Mohamed Mahamud  ayaa ku tilmaamay Xiligan Galmudug, in ay ku timid dib u dhac aad u wayn, kadib markii uu Xilka la Wareegay Madaxweyne Qoor Qoor.

Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah   ee Galmudug,   Abdikafi Mohamed Mahamud  oo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu dhuun daloola siyaasada Galmudug, ayaa ku tilmaamay Qoor Qoor shaqsi ku fashilmay siyaasada iyo midka Gobolka.

“ Dagaalo Qabiil ayaa Deegaanka ka abuurmay, Markii uu Yimid, xananbuuro, Guriceel iyo matabaan, iyo  Deegaano kale oo Nabdoonaa, ma dhicin in Galmudug Reera dagan ay gaaraan Heerkaan, in Wax garad la laayo”ayuu yiri Wasiirkii hore ee qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah   ee Galmudug  Abdikafi Mohamed Mahamud

 Sidoo kale waxa uu sheegay in Deeqihii caalamiga ahaa intii uu joogay Qoor qoor aan waxba loogu qaban dadka dagan Galmudug, waxa uuna ugu baaqay n uu xilka iska casilo.

Waxa uu sheegay Galmudug  Abdikafi Mohamed Mahamud in Qooq qoor uu shaqaale ka Noqday Villa Somaliya, uuna meesha ka saaray shaqadii umada Soomaaliyeed gaar ahaan Umada Galmudug u Wakiisheen.

Cabdixakiinj Cilmi Xasan Nairobi

Cabdixakiin441@hotmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post