933 Views

Xisbiyadda Mucaaraadka qaarkood oo ka hadlay go’aanka Kheyre ee doorashada

Xisbiyadda Mucaaraadka qaarkood oo ka hadlay go’aanka Kheyre ee doorashada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 30 2020–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan doorashada, isagoo xusuusiyay golihiisa Wasiirada in sharciyada ay ku joogaan xilalkana ku hayaan ay tahay mid ku timid doorasho.
“Doorasho ayaa ka dhici jirtey dalka nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aan halkan ku joogno na siisay, afartii sano waa in mar doorasho la galo doorasho dadka intooda badan isla ogol yihiin oo saamileyda siyaasada badankood ay qeyb ka yihiin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkan ka jeediyay kulankii khamiista ee Golaha Wasiirada ku yeesheen dhanka Muuqaalka ee Zoom Meeting.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka falceliyey hadalkii khamiistii kasoo baxay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee uu ku sheegay inay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo.
“Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysalwasaare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada. Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale soo dhaweeyay tilaabadda uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed”

Sidoo kale qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweynayay in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala gala

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment