813 Views

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed oo ku sii jeeda Garowe.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed  oo ku sii jeeda Garowe.
____________________________________________________________________________

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar  uu goor dhaw u duuli doono magaalada Garowe si uu uga qeyb galo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage ee Garoowe ka furmaya.

Machadka Cili Baarista ee Hiratage ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed xuseen Rooble ku casuumay Madasha Aragti Wadaagga ee lagu qabanayo Magaalada Garoowe, bale Mahdi Guuleed ayaa ka qeyb galaya oo ku wajahan halkaas.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Xildhibaano badan oo la socday ayaa gaaray Magaalada Garoowe, si ay uga qeyb galaan Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madasha ayaa waxaa lagu casuumay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo qaarkood tegay Caasimadda Puntland iyo Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo  Galmudug ee Qoorqoor iyo Axmed Madoobe.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post