414 Views

Salaad roob doon ah oo lagu tukaday magaalada Cadaado

Salaad roob doon ah oo lagu tukaday magaalada Cadaado
____________________________________________________________________________

Arbaco: May 25, 2022

Maamulka Degmada Cadaado, ardeyda iskuulada, kuwa Dugsi Qur’aanka, Culumaaudiin Dhalinyaro haween waxgarad aqoon yahano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Cadaado ayaa isku soo bax balaaran oo roobdoon ah ka sameeyay bartamaha magaalada iyagoo ku oogey barxada Masjidka Tabliiqa ee Magalada Cadaado labo ragco oo Salaada Roobdoonta oo ah.

Qaar ka mida Culumaaudiika ka qeyb galay Saalada roobdoonka ah ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada Cadaado ka dalbaday iney is cafiyaan si wada jir ahna Allaah looga baryo in uu noo dambi dhaafo Raxmadiisana ugu Deeqo isla markaana Alle uu ka dulqaado dadka kuleylka maalmahaan ka jira magaalada Cadaado iyo degaanada ku xeeran.

Hadal heynta ugu badan ee maalmihii ugu dambeeyay magaalada Cadaado Iyo degaanada ku xeeran ayaa ahaa kuleyl ey dadku si isku mid ah udareemeen.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post