1317 Views

Ilaalada Cumar Finish oo Jirdil u geystay Guddoomiyaha Warta Nabadda Saynab Xaabseey.

Ilaalada Cumar Finish oo Jirdil u geystay Guddoomiyaha Warta Nabadda Saynab Xaabseey.
____________________________________________________________________________


Isniin: December 27, 2021

Ilaalada gaarka ah ee Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa galabta jirdil arxan darro ah oo bini adamnimada ka fog u geystay Guddomiyaha degmada Warta Nabadda Saynab Xaabseey kaddib markii ay soo kala dhax gashay is faham darro.

Ilaalada Cumar ayaa Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda ku amray in ay bannaanka ku reebto ciidan ayada ilaalo u ahaa sida la ii sheegayna arrintaas waa ay aqbashay.

Intaas kaddib Saynab Xaabseey oo gudaha usoo gashay garoonka maadaama degmadeeda ay gaartay kama danbeysta tartanka degmooyinka G/Banaadir ayaa waxaa aflagaado qaawan oo anshaxa ka baxsan kula kacay mid ka mid ah ilaalada Cumar Finish, taas oo keentay guddoomiyaha markii ay ka fal celisay arrintaas la jirdilo sidoo kale-na lagu goobto.

Waa markii labaad oo ilaalada Cumar Finish ay jirdil kula kacaan Guddoomiyaha Warta Nabadda Saynab Xaabseey, oo ah gabadh dhawaan kasoo kabsatay dhaawac kasoo gaaray xaruunta Gobolka Banaadir, sidoo kalena xaalad ahaan aan mudneen Jirdil.

Sidoo kale Haddaba, Cumar Finish ma raalli ayuu uga yahay ilaaladiisa in ay jirdilaan Zaynab Xaabseey maadaama dhacdadani ay tahay midii labaad? Aragtidaada.

Cali aadan Muunim

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post