549 Views

Jeneraalka MareykankaWilliam Zana oo sheegay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin in howlgal Milatari Itoobiya

Jeneraalka MareykankaWilliam Zana oo sheegay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin in howlgal Milatari Itoobiya
____________________________________________________________________________


Sabti: November 13, 2021

Jeneraalka sare ee Mareykanka William Zana ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin in howlgal Milatari in ay uga jawaabaan xaaladda kacsan ee ka taagan dalka Itoobiya ka dib markii ay xoogeysteen dagaallada Tigreeda iyo ciidanka Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in ay sugayaan jawaab uga timaada taliska Mareykanka ee Washington si ay u qaadan howlgalka.

Ciidamada Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa saldhig weyn oo lagu magacaabo Camp Lemonnier ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagi doona wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika todobaadka soo socda, isagoo booqan doona Kenya, Nigeria iyo Senegal, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Waxaa uu u sheegay suxufiyiinta Washington DC in colaada Itoobiya ay keeni karto in ay saameyn ku yeelato dalalka bariga Afrika, taasina ay masiibo ku noqon doonto shacabka Itoobiya”.

Waxaa uu sheegay in wadada kaliyah oo banaan in ay tahay  waa xabbad-joojin iyo wada-xaajoodyo – isagoo intaas ku daray in Maraykanku uu taageerayo dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post