891 Views

Deni oo Garoowe kula kulmay Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka

Deni oo Garoowe kula kulmay Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 26, 2021–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kuqaabilay Xafiiskiisa Magaalada Garoowe  guddiga u qareemayasha Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sidii Haweenku uga heli lahaayeen qoondo ku filan Baarlamaanka, waxaana Guddigu uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland fursada uu Puntland kasiiyay Haweenka iyo sida uu qoondo uga siiyay xubnaha Aqalka Sare ku metala Puntland.

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay guddiga kaalinta ay Haweenku ku leeyihiin dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Puntland ay tixgelinayso qoondada Haweenka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa Guddiga, xubno guddiga ka mid ah, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka waxaa ay safaro ku kala bixinayeen degaannada dowlad Goboleedyada, iyaga oo Maalmo ka hor Madaxweynaha Koonfur Galbeed kala hadlay sidii loo xaaiijin lahaa qoondada Haweenka, iyada oo la fulinayo heshiiskii Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post