5409 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta u amba baxay Jabuuti

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 25, 2018 –  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti.

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedada safarka wafdiga guddoomiyaha ayaa ah sidii ay uga qeybgali lahaayeen xuska maalintii Jabuuti ay gumeystihii Faransiisku ka xorowday ee 27 June.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti,sida madaxweynaah iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI                                                

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment