270 Views

Roland Mesnier Cunto kariyihii shanta madaxweyne ee Mareykanka oo geeriyooday jimcihii

Roland Mesnier  Cunto kariyihii shanta madaxweyne ee Mareykanka oo geeriyooday jimcihii
____________________________________________________________________________

Isniin:AUGUST 29, 2022

Roland Mesnier, oo u dhashay dalka Faransiiska, isla markaana u soo karin jiray cuntooyinka macaan shan madaxweyne oo Maraykan ah, ayaa geeriyooday, isaga oo dadiisu tahay 78 sano jir.

Mesnier, ayaa markii ugu horreysay la shaqaaleysiiyay xilligii Jimmy Carter, ee sanadkii 1979-kii, wuxuuna shaqada hawlgab ka noqday sanadkii 2004-tii, oo ah xilligii, Madaxweyne George W Bush.

Waxa uu dhintay jimcihii lasoo dhaafay, “kadib xanuun gaaban”, Ururka keydiya taariikhda Aqalka Cad, ayaa warkan soo galiyey bartooda.

Mesnier, ayaa wuxuu ku caan baxay in 27-kii sano ee uu joogay Aqalka Cad, in uusan waligiis siinin ama dubin cunto isku mid ah laba jeer.

Isagoo shaqadiisa ka bilaabay makhaayad tuullo oo ku taalla dalka Faransiiska, Mesnier, ayaa wuxuu sumcaddiisa kusoo kasbadey hoteello waa weyn oo ku yaalla magaalooyinka Paris, Hamburg, London iyo Bermuda, kahor inta uusan ku biirin shaqaalaha madaxtooyada ee Aqal Cad.

Waxaa lagu waramay in la shaqaaleysiiyay, kadib markii uu soo jiitay marwada koowaad, ee Rosalynn Carter, iyadoo ka dalbatey inuu xoogiisa isugu geeyo karinta macmacaanka fudud iyo si guud ahaaneed cuntada kale

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post