120 Views

Xukuumada Abiy Ahmed oo diiday inay ka qeyb-gasho shirka IGAD ay ku baaqday ee xiisadda badda

Xukuumada Abiy Ahmed oo diiday inay ka qeyb-gasho shirka IGAD ay ku baaqday ee xiisadda badda
____________________________________________________________________________

Addis Ababa – Dowladda Itoobiya ayaa ka maquuratay ka qeyb-galka shir-madaxeedka dalalka IGAD oo dhawaan ka dhacaya dalka Uganda.

Shirkaan oo uu iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa markaas ku baaqay in shir deg-deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Itoobiya oo ka meer-meeraysanaysa inay ka soo qeyb-gasho shirkaasi ayaa warqad ay u dirtay IGAD ku marmarsiyootay in jadwalkeeda booqashooyinka ee maalmaha shirka uu yahay mid buuxa, oo aysan suurta-gal aheyn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa warqadda ay u dirtay IGAD ku sheegtay in ay wada-hadal diyaar u noqon karto xilliyo kale, xilli shirkaan loo madlan yahay maalinta Khamiista oo ku beegan 18-ka bishaan.

Go’aanka Itoobiya ee ka qeyb-galka shirka IGAD ee looga hadlayo xiisadda ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa iyo xad-gudubka ay ku kacday Itoobiya ayaa imanaya kadib markii ay ku fashilmatay dadaalo ay ku bur-burineysay shir-madaxeedkan.

Sidoo kale wuxuu imaanaya xilli dowladda Sudan ee ay ciidamadu maamulaan ay diiday casuumaada shirkaan, halka garabka ay is-hayaan ee RSF uu sheegay in uu ka qeyb-gali doono shirkaasi.

Shirka loo madlan yahay 18-ka bishaan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, ayada oo dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya ayaa sida muuqata la daala-dhaceysa weji-gabax diblumaasiyadeed oo ku riixaya inay ka dhuumato fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post