699 Views

Sii-Hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha oo tacsi u diray Fanaaniinta Geeridii ku timid Faadumo Nagruuma.

Sii-Hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha oo tacsi u diray Fanaaniinta Geeridii ku timid  Faadumo Nagruuma.
____________________________________________________________________________

February 21, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida ku timid Fanaanadii Faadumo Cali Nagruuma oo ka tirsaneyd hobolada Qaranka Waaberi.

Ra’iisul Wasaare Rooblen ayaa tacsi u diray qoyska Marxuumada, bahda fanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Faadumo Cali Nagruuma ay kamid aheyd tiirarka fanka Soomaaliyeed

“AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Allaha u naxariistee Faadumo Cali Nagruuma ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay ku xanuunsaneysay isbitaalka Martiini, isla markaana waxaa haleelay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo dalka kusoo laba kacleeyay.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay in shalay Cudurka COVID-19 ee dalka ugu geeriyoodeen 15 qof, waxaana Gobolka Banaadir laga helay in ka badan 250 qof, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post